Madaxweynaha: "Lacagta aad bixisay ayaa ka qayb ah qaraxa iyo dilka"
Muqdisho (so.diplomat.so) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee birmo-geydada ah ee maanta argagixisada Alshabaab ay ku xasuuqeen isgoyska Zope ee magaalada Muqdisho.