Muqdisho (so.diplomat.so) - Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo dhoweysay xabad joojinta ka dhaqangashay Magaalada Gaza oo 11 cisho oo xiriir ah ay Israaiil la beegsanaysay duqeyn aan kala go' lahayn oo dhimasho , dhaawac iyo burbur dhismo lixaad leh geystay.
War saxaafadeed ka soo baxay caawa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo arrinkan lagaga hadlayay ayaa u qornaa sidatan:
Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhoweynaysaa heshiiska xabad joojinta Gaza ee la gaaray, kaasi oo dhaqangalay aroornimadii Jimcada 21 May, waxa ay markale ku dhawaaqaysaa mowqifkeeda iyo taageerada sugan ee ay u heyso qadiyadda Falastiin, waxayna adkeyneysaa baahida loo qabo dhismaha dowlad madax banaan oo Falastiin ay leedahay oo qarannimadeedu dhammaystirantahay iyadoo la raacayo go'aannada sharci ee caalamiga iyo Hindisaha Nabadda ee Carabta.
Faallo ka bixi