Soomaaliya oo cambaaraysay duqeyn lagu burburiyay xarunta Bisha Cas Qatar

Sunday May 23, 2021 - 00:16:38
0 Comments
598
Xafiiska Wararka
Muqdisho (so.diplomat.so) - War saxaafadeed ka soo baxay caawa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa lagu dhaleeceeyay weerar ay Israaiil ku burburiyay xarunta Bisha Cas ee Qatar ee Gaza.
War saxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan: 

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaaraynaysaa weerarka duqeynta cirka ah ciidamada gumeysiga Israaiil ay ku bartilmaameedsadeen xarunta hey'adda Bisha Cas ee Qatar ee marinka Gaza galabnimadii Isniinta, 17-ka May, kaasoo sababay geeri iyo dhaawac tiro dad ah oo aan waxba galabsan iyo burbur lixaad leh oo haleelay dhismaha Isbitaalka Hamad bin Khalifa oo adeegyo caafimaad u fidinayay dadka naafada iyo kuwa baahida gaarka ah qaba, falkani waa talaabo aan marmarsiinyo lahayn iyo xadgudub cad oo ka dhan sharciga caalamiga, anshaxa iyo qiyamka aadanaha.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi