Ra'iisul Wasaare Rooble oo shir-guddoomiyay Shirka Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka

Saturday May 22, 2021 - 18:08:17
0 Comments
2649
Xafiiska Wararka
Muqdisho (so.diplomat.so) - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta shir-guddoomiyay Furitaanka Shirka Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka oo looga arrinsanayo sii ambaqaadidda heshiiskii 17-ka Sebtembar ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulankan waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Madaxda ayaa isla gorfeeyey dadaallada heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ee loo qaaday hirgelinta iyo dhameystirka hannaanka doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.


Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi