Muqdisho (so.diplomat.so) - Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka oo kala ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Holand, Norway, Poland, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay waxa ay u arkaan shir-madaxeedka soo socda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya – Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DFS-DGXDF) ee ka dhacaya magaalada Muqdisho in uu yahay fursad muhiim ah oo ay waajib tahay in aan la lumin si loo horumariyo nabadda iyo amniga Soomaaliya.
Waxaan ku bogaadinaynaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble qabashada shirkan, waxaana rajeynaynaa in uu sii hoggaamin doono geedi-socodka doorashada oo ay ku jirto amniga doorashada.
Waxaan soo dhoweyneynaa ballanqaadka dhammaan madaxda DGXDF ee ka-qaybgalka shir-madaxeedka si shuruud la’aan ah.
Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan madaxda DFS iyo DGXDF inay sameyaan tanaasul wax-ku-ool ah si heshiis dhakhso leh loo gaaro, dalkuna uu si dhakhso leh u qaban-qaabiyo doorashooyin ku saleysan Heshiiskii 17kii Sebtember.
Faallo ka bixi