Muqdisho (so.diplomat.so) - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan casho iyo iswareysi ah la qaatay Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur galbeed oo Muqdisho soo gaaray.
Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim Macallimow ayaa sheegay in kulanka oo uu ka qeybgalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) uu hordhac ah u yahay furitaanka Shirka Wadatashiga Qaran ee doorahsooyinka dalka oo guddoomin doono Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
"Sida qorshuhu ahaa 20 bishan waxaan rajeynaynay in uu furmo Shirkii Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka balse cillado dhanka farsamada ah oo qabsaday imaanshaha Madaxweyneyaasha Hirshabeelle iyo Puntland ayaa dib u dhaca keenay, sidaas darted Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu kalan casho Sharaf ah ku maamuusay Madaxda Dowlad goboleedyada Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo soo gaaray Caasimadda.”
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si buuxda u dhammeystirtay diyaargaroowga ku aaddan qabsoomidda shirkan muhiimka u ah horumarka dimuqraadiyadeed ee dalka iyo hirgelinta heshiiska doorashooyinka si ay ugu qabsoonto xasillooni iyo jawi midnimo leh.
Faallo ka bixi