Hey'adda Hormuud Salaam Foundation oo deeq gaarsiisay barakacayaal ku nool Dharkeynley

Wednesday April 21, 2021 - 12:58:02
0 Comments
494
Super Admin
Muqdisho (Diplomat.so) - Hey'adda Hormuud Salaam Foundation ayaa maanta deeq gaarsiisay dadka kasoo barakacay Gobolka Shabeellaha hoose , iyadoo deeqda ku wareejisay Markazu Raxma si ay ugu qeybiyaan barakacayaasha.
Deeqdan ayaa waxa ay qeyb ka tahay barnaamijka af-furinta dadka danta yar iyo kuwa baahiyaha gaarka ah qaba, waxaa raashiinka hey’addu gaarsiisay xarunta Al-raxma ay isugu jirtay bur, bariis, sokor, saliid iyo timir.

Guddoomiye ku xigeenka hey'adda Hormuud Salaam Foundation Cabdiraxmaan ibraahim Cilmi "Kobac" ayaa sharaxaad ka bixiyay deeqdan ay dadka barakayaasha ah gaarsiiyeen iyo waxa ay ka kooban tahay, isagoo sheegay in ay hey’adda Hormuud Salaam Foundation ay sii wadi doonto caawinta dadka masaakiinta ah bisha barakeysan ee Ramadaan.



Dhanka kale, Axmed Shiikh Mustafa oo kamid ah Maamulka Markazu Raxma ayaa Hey’adda Hormuud Salaam Foundation uga mahad celiyay deeqdan ay soo gaarsiiyeen si loogu qeybiyo dadka masaakiinta ah ee kaso barakacay Gobolka Shabeellaha Hoose ee ku sugan degmada Dharkeynley gaar ahaan siligga iyo xanaannada xoolaha.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi