Kismaayo oo bandow habeenkii ah lagu rogay kadib faafidda COVID-19

Sunday April 04, 2021 - 09:20:33
0 Comments
3449
Super Admin
Aargada Kismaayo
Aargada Kismaayo
Kismaayo (Diplomat.so) - Magaalada Kismaayo ayaa waxaa habeenkii labaad ka dhaqangalay bandow xilliyada habeenkii ah oo lagu soo rogay magaaladaasi, ka dib markii uu magaalada si weyn u saameeyay xanuunka COVID-19.
Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in bandowga lagu soo rogay magaalada uu bilaabanayo saacaddu marka ay tahay 8:00 fiidnimo, isla-markaana uu socon doono illaa waaberiga.

Kismaayo ayaa maalmihii ugu dambeysay laga dareemay kororka dadka xanuunka ugu geeriyoonaya magaaladaasi.

Ciidamada amniga ayaa fiidkii hore ee xalay dadka ku amray inay guryahooda ku xaroodaan, iyadoo markaasi la fulinayo amarka Maamulka Jubbaland ka soo baxay ee lagu xakameynayo faafitaanka feyruska Karoona.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xalay oo ahayd habeenkii labaad ee bandowga uu aad u xadidnaa dhaqdhaqaaqa magaalada, wadooyinkana ay ku sugnaayeen ciidamada ammaanka oo gaadiidkooda wata.

Soo laba kacleynta xanuunka COVID-19 ee dalka ayaa galaaftay nolosha 400 oo qof, dadkuse waxay aaminsan yihiin in tirada dhimashada ay ka badan tahay inta ay waaxaha caafimaadku diiwaangeliyeen.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi