Dhuusamareeb (Diplomat.so) - Maxkamadda Gobolka Mudug ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta xukuntay kaluumeysato u dhashay dalka Yemen, kuwaa oo lagu soo eedeeyay in si sharci-darro ahi kaga kalluumeysanayeen biyaha xeebaha u dhexeeya Degmooyinka Hobyo iyo Xarardheere ee Gobolka Mudug.
Kalluumeysatadaan ayaa ka koobnaa 39 qof, inkastoo 8 ka mida ay carruur yihiin, sida ay maxkamaddu ku dhawaaqday.
Maxkamadda ayaa 31-kii nin ee kale ku xukuntay min toddobo boqol oo dollar ($700), sidoo kalena waxaa lagala wareegay doonidii iyo qalabkii kale ee ay wateen.
Ciidamada Ilaalada Xeebaha ee Galmudug ayaa seddex cisho ka hor gacanta ku soo dhigay kalluumeysatadaan, ka dib markii ay sameeyeen hawlgal sheegay inay ku daba joogeen.
Faallo ka bixi