Marib (Diplomat.so) - Waxaa dib uga soo cusboonaaday Maanta Gobolka istiraatiijiga ah ee Marib ee dalka Yemen iska-hor'imaadyada hubeysan ee u dhexeeya Xoogagga Dowladda Yemen iyo fallaagada Xuutiyiinta , iyadoo warar soo baxay ay sheegayaan in taliye sare iyo tobaneeyo kale ay ku geeriyoodeen dagaalka.
Tan iyo bilowgii bishan Febraayo, waxa ay Xuutiyiinta ay Iiraan taageerto ku dadaalayeen gacan-ku-dhigidda Magaalada Marib, oo ku taalla meel u dhow ceelasha shidaalka ugu hodansan ee waqooyiga dalkaasi .
Ilo wareed laga helay dowladda Yemen ayaa sheegay in boqolaal dagaalyahan oo labada dhinac ah ay ku nafwaayeen dagaalka tan iyo jimcihii . Xuutiyiintu badanaa ma sheegaan tirada kaga geeriyoota dagaallada.
Ilo wareed milatari ah ayaa sheegay in 22 askari oo dowladda ah iyo 28 dagaalyahan oo Xuuti ah ay ku geeriyoodeen dagaalka 24-kii saac ee ugu dambeeyay oo uu ku jiro Taliyaha Ciidamada gaarka ah ee aagga Marib Generaal Cabdulqani Shaclaan.
Dagaalka ayaa si naxariis darro ah uga socda dhammaan aagagga dagaalka ee gobolka Marib oo ah dhufeyska ugu dambeeya ee Dowladda Yemen ay kaga jirto dhulka Waqooyiga Yemen.
Labada dhinac midkoodna wax guul ah kama gaarin dagaalka, qolo weliba waxa ay weli ku sugantahay difaaceeda.
Telefishanka Al Masirah ee Xuutiyiintu maamulaan ayaa sheegay in isbaheysiga Sacuudiga hoggaamiyo uu 12 duqeymo cirka ah ka geystay aagga dagaalka si uu u taageero ciidamada Dowladda Yemen.
Waxaa Jimcaha lagu dilay in ka badan 60 dagaalyahan dagaalka Marib oo ah maalintii ugu dhiigga badnayd tan iyo markii dirirtu dib uga bilaabatay magaaladaasi 8 Febraayo.
Faallo ka bixi