Washington (Diplomat.so) - Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maanta soo dhoweeyay oggolaanshaha Golaha Wakiillada Mareykanka mashruuca lacago kaalmo ah lagu siinayo dadka Mareykanka ah ee uu saameeyay Feyruska Karoona oo lagu bixinayo $1.9 tiriiliyan oo doolar , isagoo sheegay in dalkiisu ku dhowyahay inuu si dhammaystiran u fuliyo talaalka Covid-19, kobac dhaqaalana uu sameeyo.
Qarashkaasi gargaar waxaa oggolaaday 219 , halka ay diideen 212 , iyadoo todobaadka soo aaddan Aqalka sare ee duqowda dalkaasi ay u codeyn doonaan.
Codeyntan ayaa timid maalmo kadib markii dadka Mareykanka ah ee u geeriyooday xanuunkan ay kor u dhaafeen 500,000 qof.
Dimoqraadiyiinta waxa ay ku sheegeen kaalmada lacageed inay tahay tallaabo wanaagsan oo loo qaaday taageeridda malaayiin qoysas ah iyo shirkado dhaqaalahooda uu ku burburay xanuunkani.
Jamhuuriyiinta ayaa iyagu sheegay in lacagtani ay tahay mid badan oo aan la gaarsiinaynin dadka baahida u qaba, ayna sababi karo sicir barar.
Golaha Aqalka sare oo ka kooban 100 xubnood ayaa labada xisbi ay kala heystaan mid 50 xubnood, hayeeshee xubinta dheeraadka ah oo ah haweeneyda Madaxweyne kuxigeenka ka ah Mareykanka Kamala Harris ayaa codka dheeraadka ah siin doonta xisbigeeda si taakuladaasi maaliyadeed loo oggolaado.
Faallo ka bixi