Sacuudiga oo ka hortagay weerar gantaal oo Xuutiyiintu ku qaadeen

Sunday February 28, 2021 - 00:35:29
0 Comments
3404
Super Admin
Riyadh (Diplomat.so) Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay Caawa in ay ka hortagtay weerar gantaal iyo shan diyaarado aan duuliye lahayn oo qaraxyo ku rakibnaayeen oo lagu weeraray Caasimadda Riyadh iyo goobo kale, waxa ayna ku eedeysay in duqeymahaasi ay ka dambeysay kooxda Xuutiyiinta Yemen.
Isbahaysiga milatari ee Sucuudigu hoggaamiyo ee ka dagaalama Yemen muddo sanado ah ayaa sheegay in Xuutiyiinta isbahaysiga la ah Iiraan ay gantaal baaliistik ah ay ku soo ganeen dhanka Caasimadda Riyadh, seddex diyaarado aan duuliye lahayn oo qaraxyo sida ay ku siidaayeen dhanka Gobolka Jiizaan, halka labo kale ku jiheeyeen dhanka koonfur galbeed, balse hawada lagu burburiyay dhammaan iyagoo aan wax dhib ah geysan.

Weerarkan ayaa ku soo beegmay maalin kadib markii qarax aan la garan lagu beegsaday markab ay leedahay Israa'iil oo marayay gacanka Cumaan.

Qaraxani ayaa soo cusboonaysiiyay cabsida laga qabo amniga maraakiibta iskaga kala goosha marinnada biyood ee istiraatiijiga ah, iyadoo sanadkii 2019 weeraro la mid ah ay Iiraan ka geysatay biyahaasi oo ay ku beegsatay maraakiibta shidaalka daabula.

Telefishanka Al-Ekhbariya ee Dowladda Sacuudiga ay leedahay ayaa soo bandhigay sawirro iyo muuqaallo fiidiyow ah qaraxyo ka dhacayay hawada Magaalada Riyadh oo lagu sheegay ciidamada cirka dalkaasi oo ka hortagayay weerarka Xuutiyiinta.


Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi