Qaramada Midoobey oo ku baaqday in la joojiyo xasaradaha amni ee Muqdisho ka aloosmay

Friday February 19, 2021 - 14:26:43
0 Comments
2895
Website Editor
UN Assistance Mission (UNSOM)
UN Assistance Mission (UNSOM)
Muqdisho (Diplomat.so) - Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay aad uga walaacsan tahay iska horimaadyadii hubeysnaa ee Muqdisho ka dhacay xalay iyo saakay oo Jimce ah, waxa ayna ugu baaqeysaa deganaan iyo is xakameyn dhinacyada ay khuseyso, waxa ayna boorrineysaa in ay furnaato waddada wadahadalka si loo yareeyo xiisadaha.
Waxa ay muujinayaan isku dhacyada ka dhacay caasimadda sida loogu baahan yahay in degdeg loogu qabto kulan ay isugu yimaadaan Madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka si ay heshiis siyaasadeed uga gaaraan hirgalinta qaabkii doorasho ee 17-kii Sebtember.


Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi