Ciidamada dowladda oo is-hortaag ku sameeyay banaabaxa mucaaradka ay kaga horjeedaan Madaxweyne Farmaajo

Friday February 19, 2021 - 14:05:05
0 Comments
4291
Website Editor
Ciidamada Booliska sida gaarka u tababaran ee loo yaqaan "Haramacad"
Ciidamada Booliska sida gaarka u tababaran ee loo yaqaan "Haramacad"
Muqdisho (Diplomat.so) - Tan iyo xalay illaa iyo maanta oo Jimce ah waxaa gebi ahaan xiran waddooyinka la isaga kala gudbo gudaha Caasimadda Muqdisho, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Booliska sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan "Haramacad" ay is-hortaag ku sameeyeen banaanbax weyn oo la qorsheeyay in saaka uu ka bilowdo magaalada.
Waxaa ciidamadu xalay go'doomiyeen hotel ku dhow Daljirka Dahsoon oo ay deganyihiin Madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, iyadoo la wareegay isgoysyada iyo waddooyinka la filayay in banaanbaxayaashu ay socod ka soo bilaabaan.

Rasaas xooggan ayaa ka dhacday agagaarka daljirka dahsoon xalay xilli dambe , iyadoo ciidamadu baahiyeen jid-gooyooyinka si ay u dhiciseeyaan dibadbaxayaasha.

Barqanimadii maanta ayay ciidanka booliska xabado ku kala ceyriyeen dad isku soo baxay agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ay hoggaaminayeen Ra'iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Wasiirkii hore ee Qorsheynta Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Xildhibaannada kala ah Mahad Salaad iyo Cabdiraxmaan Odowaa.

Dibadbaxa weyn ee maanta la filayay inuu gilgilo Magaalada Muqdisho ayaa looga soo horjeeday Madaxweynaha muddo xileedkiisa sharciga ah uu ka dhammaaday 8 Febraayo, Maxamed Cabdullaahi Maxamed "Farmaajo", iyadoo aayaha doorashooyinka madaxtinimada iyo midda baarlamaaniga la garanayn. 


Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi