Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Safiirka Shiinaha siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga labo geesoodka

Wednesday February 17, 2021 - 08:03:16
0 Comments
2077
Super Admin
Muqdisho (Diplomat.so) - Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa maanta ku qaabilay hoyga uu ka deganyahay Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, Mudane Qin Jian, isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashi wadaagga.
Kulankani oo uu goobjoog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, ayaa diiradda lagu saaray horumarada la sameeyay, iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinac kastaba leh, iyadoo sidoo kale lagu fallanqeeyay xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo dunida inteeda kale ee taabanayay danaha guud ee labada dal.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi