Dubai (Diplomat.so) - Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa maanta oo Axad ah faafisay sawirkii ugu horreeyay ee uu qaaday dayax gacmeedka ay u dirtay meeraha cas ee loo yaqaan Farraare (Mars).
Sawirka oo la qaaday maalintii Arbacada ayaa muujinaya iftiinka cadceedda oo ka soo muuqanaya dusha meeraha Farraare. Waxa ay muujisay cirifka waqooyi ee Farraare oo sidoo kale lagu arkay buurta weyn ee falkaanada xooggan samaysay ee loo yaqaan "Olympus Mons".
Sawirka ayaa waxaa qaaday dayax gacmeedka Imaraatka ee loogu magac daray rajo "Amal" "Hope".
Dayac gacmeedka ayaa gaaray hareeraha Farraare maalintii Talaadada , iyadoo tani ay tahay markii ugu horreysay dowlad carbeed ay meeraha gaarto.
Faallo ka bixi