Soomaaliya oo shaacisay magacyada qareenada uga qeybgalaya Maxkamadda ICJ

Sunday February 14, 2021 - 18:24:50
0 Comments
2718
Super Admin
Maxkamadda ICJ oo dhagaysanaysa kiiska dacwadda badda ee Soomaaliya gudbisay ee ka dhanka ah Kenya
Maxkamadda ICJ oo dhagaysanaysa kiiska dacwadda badda ee Soomaaliya gudbisay ee ka dhanka ah Kenya
Muqdisho (Diplomat.so) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay magacyada qareennada difaacaya kiiska badda Soomaaliya ee horyaalla Maxkamadda ICJ.
Fariin qoraal ah oo uu bartiisa Facebook soo dhigay Afhayeenka Xafiiska Ra'iisul wasaaraha Maxamed Ibraahim Macalimuu ayuu sheegay sidatan "Qareennada difaacaya kiiska Dacwadda Baddeena wax isbaddal ah marnaba laguma sameynin, walina iyagii ayaa nagu matali doona difaaca iyo dhagaysiga oo loo madlanyahay 15-19 Maarso, 2021. 
Qareennada waxay kala yihiin Paul Riichler, Prof. Philippe Sands iyo Prof. Alain Pellet".

Qareenadan ayaa difaaci doona qadiyadda badda Soomaaliya, iyadoo fadhiga maxkamadda dadka intooda badan uga qeybgali doonaan fogaan-arag.


Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi