Ra'iisul wasaare Rooble oo magacaabay Guddi ka shaqeeya shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Sunday February 14, 2021 - 15:20:39
0 Comments
634
Super Admin
Ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble
Ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble
Muqdisho (Diplomat.so) - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magacaabay guddi farsamo oo ka kooban Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Guddiga farsamo ayaa u gogol xaarayaa Shirka Golaha Wadatashiga Qaranku ay isugu imanayaan , kaasoo lagu dhammeystirayo wadahadalladii arrimaha doorashooyinka ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir.

Xubnaha guddiga uu Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay waxa ay kala yihiin;

1.Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
2.Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji , Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
3.Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad goboleedka Puntland.
4.Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde, Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Puntland.
5.Xirsi Jaamac Gaani, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Dowlad goboleedka Jubaland.
6.Mursal Maxamed Khaliif, Wasiirka Caafimaadka Dowlad goboleedka Jubaland
7.Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel), Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad goboleedka Galmudug.
8.Aadan Cusmaan Xuseen (Qoryooley), Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Dowlad goboleedka Galmudug.
9.Axmed Madoobe Nuunow, Wasiirka Qorsheynta Dowlad goboleedka Koofur Galbeed.
10.Maxamed Abuukar Cabdi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad goboleedka Koofur Galbeed.
11.Maxamed Cali Caadle, Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad goboleedka Hirshabelle.
12.Caasho Khaliif Maxamed, Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Dowlad goboleedka Hirshabelle.
13.Basma Caamir Axmed, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir.
14.Xiireey Axmed Rooble, Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u rajeeyay guddigan in ay u gutaan waajibaadka loo igmaday si hufan oo ay xilkasnimo ku jirto.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi