Haweeneydu haddii aqalkeeda ay kaga baxdo idin la'aan waxa ay ku dhacday dembi

Friday August 18, 2023 - 04:02:07
0 Comments
1717
Xafiiska Wararka
Qormadani waa hinqaasta: Ali Abdi Ali Hoshow.
Email: alihoshow@gmail.com

Diinteena Islaamka waxa ay fartay haweenka in ay guryahooda ka bixin oo ay ku negaadaan illaa in ay jirto baahi laga maarmi waayay mooyee , sababtuna waxa ay tahay guriga ayaa uga hagaagsan bannaan jooga, wareega iyo waaba-tiriska, isagaa ka fogaynaya fintada, ugana badbaado badan diinteeda, akhlaaqdeeda iyo dhowrsanaanteeda. Haddii ay baahi iyo xaalad jirta awgeed uga baxday aqalkeeda waxaa waajib ku ah inay xijaabato, ayna hugato dhar asturni leh oo jirkeedu meelna ka qaawinayn, kana fogaataa ku labisashada dharka ragga, kabo taako leh, dharka qafiifka ah ee soo jiidashada badan leh, isku-udginta waxyaabaha aadka u carfa iyo inay isku-muujiso goobaha lagu qaxweeyo iyadoo is-walaaqaysa ama ay hor-socoto ragga.

Soomaalidu waxa ay bogaadiyaan hablaha maqabiyada ah ee guri-joogga ah oo ah kuwa ka nabad-galay fitno iyo fisqi. 

Haweenayda xaaska ah kama bixi karto aqalkeeda iyadoo aan oggolaansho ka heysan seygeeda. Waa ka xaaraan idin la’aan inay ka qeyb-gasho aroos, tacsi dad ehelkeeda ah ama aan ehelkeedaba ahayn, deris u sheeko-doonato, cawaysi u tagto maqaayadaha, tamashlayn, baashaalid ama ay booqato bukaan ama ehelkeeda ay salaan ugu tagto ama ay kariso cunto aanu ka helin iyo wixii kale ee la jaal ah. Waxaa waajib ku ah inay maqal iyo adeecid la timaado, waxaa u furan inay seygeeda ku gacan-seyrto haddii uu Allah ku caasiyo ama uu ku amro wax macsiyo ah sida inay aflagaadayso labadeeda waalid, ama khamri cabto ama salaadda oogiddeeda ay iska dayso iyo wixii la mid ah.

Haweenaydu waxa ay ka baxday gacanta aabaheeda , waxa ayna gashay gacanta seygeeda marka ugu horreysa ee lagu nikaaxiyo, taasi oo wilaayada iyo awoodda maamul loogaga dambaynayo isaga, loogagana idin-qaadanayo. Haweenka looma oggola safar qaadan kara wax ka badan labo cisho haddii aan seygeeda ku wehlin ama qof ehelkeeda ah oo muxarram ah, taasi oo ka dhigan in ay cimro u safri karin illaa ay ka hesho aqbalaaddiisa.

Ninka waxaa waajib ku ah inuu dhowro xaqa afadiisa oo uu u dhimriyo, kana dhowro dulmiga, wanaajiyo la dhaqankeeda , una oggolaado bixid xilliyada ay habboontahay ee aan xummaan ka imaan karin sida in labadeeda waalid ay booqato xilliyada qaar, uga soo adeegidda baahiyaha guriga iyo kuwa iyada u gaarka ah suuqa, waxbarashadeeda iyo shaqadeeda.

Haweenaydu waxa ay todobaadkiiba hal mar booqan kartaa waalidiinteeda waa haddii ay oggolaansho ka heysato seygeeda, hayeeshee haddii ay guriga isaga baxdo iyada oo aan loo oggolaan waxa ay ku dhacday dembi, sidoo kale haddii ay dib ugu soo noqon waydo aqalkeeda cudur-daar la’aan oo ay ku amar-taaglayso, iskalana waynayso seygeeda, waxaa gebi ahaan laga joojinayaa biilka iyo daryeel weliba oo loo fidin jiray.

Uma bannaana haweenayda afada ah inay salaadda ku oogto masjidka idin la’aanta seygeeda, waxaa salaaddeeda ay ku dukato gurigeeda ayaa uga kheyr badan tan masjidka.

Haweeneydu ma soomi karto soonka sunnada ah illaa ay ka hesho rabitaanka iyo oggolaanshaha seygeeda, waxaa habboon in lagu tixgeliyo inay soonto maalmaha barakaysan si ay u kasbato ajir sida Maalinta Carafa iyo Maalinta Caashuuraa.

Haweeenayda xaaska ahi aqalkeeda uma soo deyn karto, kumana casuumi karto dad illaa ay ka hesho aqbalaad odayga guriga oo ah ninka ay u dhaxday.

Waa waajib ah in loo fasaxo haddii cilmiga waajibka ah ee diiniga ah ay ka baranayso meel bannaanka ka ah gurigeeda, balse haddii baahida agabka waxbarasho loogu keeno aqalkeeda, loona fududeeyo siyaabaha ay wax ku baran karto, way kaga maarmi kartaa ka bixidda guriga.

Haweenayda xaaska ah uma bannaana idin la’aan inay booqato saaxiibadeeda, qaraabadeeda ama ay ka qeybgasho kulamo iyo isku-imaatinno.

Afada waxaa ku waajib ah inay dhowrto oo ay beekhaamiso hantida seygeeda oo aanay ku talax-tagin, ugana idin qaadato hab-maamulkiisa .

Habluhu waa inay Allah ka baqaan, kana fogaadaan xummaan-falka , ayna ogaadaan adeecidda iyo raalli-u-noqshada raggooda ay tahay wanaag iyo kheyr .

Dadka cilmiga fiqiga ku xeeldheer waxa ay banneeyeen inay idin la’aan ay gurigeeda ilinkiisa uga bixi karto haddii ay la soo gudboonaadaan xaalado deg-deg ah oo lagama maarmaan ah sida fool, dab ka kacay aqalka ama wax la mid ah oo taabanaya badqabkeeda iyo caafimaad-qabkeeda.

Waxaa muhiimad u leh labada lamaane ee nolosha wadaagay in xiriirkooda guur iyo midka qoys uu ku dhisanyahay kalgacayl, is-fahan, tanaasul, deganaansho, xasilooni, naxariis , damqasho iyo isku-dhimrin. Waa wax laga yax-yaxo in midkoodba kan kale uu necebyahay ama uu ka gaabinayo gudashada qaar ka mid ah xuquuqaha sida galmoodka, daryeelka, hugga iyo hoyga, waxaa lagama-maarmaan ah in la isku dulqaato, la isku dhego-nuglaado, dabacsanaan lala yimaado, lana saxo wixii khaladaada ah ee dhaca, lagana gudbo wixii carqaladaynaya wadajoogga iyo dhaqanka qoyska, had iyo jeerna wax waliba laga eego dhanka wanaaga iyo ifafaalaha qurxoon.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi