Golaha Wasiirrada oo ansixiyay hannaanka doorashooyinka dalka

Friday June 09, 2023 - 00:36:00
0 Comments
1714
Xafiiska Wararka
Muqdisho (so.diplomat.so) - Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyay Jiheynta Hannaanka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Hannaanka uu Goluhu meel mariyey ayaa koo kooban saddex qodob oo kala ah;

Qod.1aad
Dhaqangelinta Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka

1.Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay go’aamisay dhammeystirka iyo dhaqangelinta Hannaanka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu ku heshiiyay Golaha Wadatashiga Qaranka 27 Maajo 2023 .
2.Waxaa la farayaa dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha ay khuseyso in ay si degdeg ah uga hawlgalaan diyaarinta shuruucda loo baahan yahay ee lagu dhaqangelinayo heshiiska kor ku xusan.
3.Wixii wax-ka-beddel ah ee lagu sameynayo Dastuurka KMG ah waxaa loo soo diyaarinayaa si waafaqsan Cutubka 15aad ee Dastuurka KMG ah loona soo gudbinayaa Golaha Wasiirada J.F.S. si loo horgeeyo labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Qod.2aad
Dhammeystirka Habraacyada
4.Dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha ay khuseyso waa in ay dhammeystiraan dhammaan habraacyada dastuuriga ah iyo kuwa latashiga ee lagama maarmaanka u ah dhaqangelinta Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka, iyada oo la xeerinayo danta guud ee Qaranka.
5.Wasaarad kasta iyo hay’ad kasta oo kaalin ku leh dhaqangelinta go’aankaan waxaa lagula xisaabtami doonaa hirgelinta kaalinteeda ku aaddan hirgelinta Heshiiska.

Qod.3aad
Dhaqangalka Go’aankan
6.Go’aankan oo dhaqan galaya maanta oo Khamiis ah ayaa Golaha Wasiiradu aansixiyeen, isla markaana uu saxiixay Ra’iisul-wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka Golaha, ayaa lagu ansixiyey dib ugu noqoshada ku talagalka Miisaaniyadda Dowladda ee Sannadka 2023 iyo heshiisyada Ku Biiridda Aaga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika iyo Ku Biiridda Suuqa Iskaashiga Ganacsiga ee Bariga iyo Koonfur Afrika (COMES)

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee magacaabista Maareeyaha Guud ee Hay'adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha oo loo magacaabay Maareeye Guud, Mudane Cabdiweli Cali Tima-Cadde iyo halka Ku xigeenkiisana loo magacaabay, Mudane Cabdullaahi Biixi Xuseen.

Golaha ayaa sidoo kale meel-mariyey magacaabista Guddoomiyaha Hey’adda Qaxoootiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo loo magacaabay, Marwo Safiya Xasan Maxamed, halka Ku xigeen Koowaad loo magacaabay Mudane Cabdullaahi Aadan Cabdi iyo Ku xigeenka Labaad Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad.

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa Golaha horkeentay warbixin la xiriirta qorshaha dowladda ee ku aaddan soo raridda Hay' adaha UN-ka iyo kuwa kale Caalamiga ah ee Weli Xafiisyadu uga furan yihiin dalka Dibeddiisa, si ay dalka gudihiisa ugu howlgalaan.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi