Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Indonesia siyaabaha kor loogu qaadi karo iskaashiga

Wednesday May 10, 2023 - 00:41:47
0 Comments
3278
Xafiiska Wararka
Muqdisho (so.diplomat.so) - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa maanta oo Talaado ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda, Safiirka Jamhuuriyadda Indonesia u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Mohamad Hery Saripudin, oo uu kala hadlay sidii sare loogu qaadi lahaa iskaashiga laba geesoodka, loona gaarsiin lahaa heerar ballaaran.
Intii lagu gudo-jiray kulanka, oo uu goobjoog ka ahaa Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse Aadan Xaadow iyo mas'uuliyiin kale oo dowladeed, ayaa lagu faaqiday siyaabaha kor loogu qaadi karo heerka is-dhaafsiga ganacsiga, fududeynta hannaanka dal-ku-galka Soomaalida, iyo sare u qaadista iskaashiga dhinacyada diblomaasiyadda, waxbarashada, amniga iyo dhaqaalaha.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi