Soomaaliya oo 137 muwaadiniinteeda ah ka soo daad-guraysatay dalka Suudaan

Sunday May 07, 2023 - 22:56:03
0 Comments
3376
Xafiiska Wararka
Muqdisho (so.diplomat.so) - Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamsa Aadan Xaadow, ayaa ku soo dhoweeyay maanta oo Axad ah, gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho 137 muwaadin oo Soomaali ah oo looga soo daadgureeyay duulimaadkii shanaad ee diyaaradeed ee ka yimaada dalka Suudaan, halkaasi oo 15 bishii hore ee April ay iska hor'imaadyo hubaysan ay ka qarxeen, iyada oo tirada guud ee dadka Soomaaliyeed ee laga soo daad-gureeyay dalkaasi ka dhigaysa 379 ruux.
Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa waxa uu sheegay in Wasaaraddiisu ay ku dadaalayso bedqabka iyo nabad-gelyada muwaadiniinteeda, taasi oo keentay in la dedejiyo howsha daad-guraynta in ka yar hal todobaad kadib markii isku-dhacyada hubaysan ay ka bilowdeen dalka aan walaalaha nahay ee Suudaan, isaga oo mahadnaq iyo bogaadin u jeediyay saaxiibada caalamiga iyo diblomaasiyiinta Soomaalida ee Suudaan iyo Itoobiya. 

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi