Golaha Wasiirada oo ansixiyay Siyaasadda Qaran ee Qurbajoogta

Thursday April 06, 2023 - 20:09:10
0 Comments
2187
Xafiiska Wararka
Muqdisho (so.diplomat.so) - Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah ku ansixiyay kulankooda "Siyaasadda Qaran ee Qurbajoogta" kadib wadatashiyo lala sameeyay dhammaan hey'adaha dowladda, dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Bulshada Rayidka, Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta Soomaaliyeed.
Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu shirguddoominayay Ra'iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, iyo Wasiirro kale oo matalayay Wasaarado kale.

Wadatashiyada la xiriiray Siyaasadda Qaran ee Qurbajoogta ayaa qabsoomay intii u dhexeysay 3 August, 2021 illaa iyo 30 January , 2022 , waxa ayna ka kala dhaceen Caasimadda Muqdisho iyo Magaalooyinka Kismaayo, Jowhar, Garoowe, Beydhabo iyo Dhuusamareeb, iyadoo ay ka qeybgaleen boqolaal siyaasiyiin ah iyo matalayaasha bulshada rayidka ah, waxaana la soo gabagabeeyay talo uruurintii ugu dambeysay inta aan la horgeyn Golaha Wasiirada oo maanta cod aqlabiyad ah ku oggolaaday.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi