Muqdisho (so.diplomat.so) - Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamse Aadan Xaadoow, ayaa maanta ku soo dhoweeyay Gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho, sagaal (9) muwaadin oo Soomaaliyeed oo dib loogu soo celiyay dalka kadib muddo sanado ah oo ay ku xayirnaayeen dalka Liibiya.
Soo celinta muwaadiniintani oo ay iska kaashadeen Waaxda Arrimaha Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hey'adaha IOM iyo UNHCR ayaa ka qeyb ahaa dadaallo soo billowday 27 February, 2018 oo lagu soo daabulay boqolaal Soomaali muhaajiriin ahaa oo ku xayirnaa dalkaasi Liibiya.
Faallo ka bixi