Hey'adda Hormuud Salaam Foundation oo kun agoon ah u qeybisay lacag

Wednesday April 05, 2023 - 21:07:25
0 Comments
2067
Xafiiska Wararka
Muqdisho (so.diplomat.so) - Munaasabad ka dhacday xarunta Hey'adda Hormuud Salaam Foundation ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu guddoonsiiyay caruur agoon ah, kuwaaso ku kala jira xarumaha lagu xanaaneeyo agoonta.
Cabdiraxman Ibraahin Cilimi Kobac, Guddoomiye ku xigeenka Hormuud Salaam Foundation oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in lacagta loo qaybiyey carruurtan agoonta ah loogu talagalay in ay ku kaalmeystaan qoysaska ay ka soo jeedaan af-furka iyo Ciidda, wuxuu sheegay in tallabadan tahay waajib bulsho oo saarran cid kasta oo wax ka tari karta nolasha dadka aan waxba heysan, gaar ahaan agoonta, isaga oo intaa ku daray in carruur badan oo agoon Soomaaliyeed ah ay u baahan yihiin caawin iyo garab istaag mar haddii ay waayeen aabeyaashood, ayna ka bannaanaatay kaalin weyn.

Cabdulqaadir Muxumed oo u hadlay xarumaha laga soo xulay agoonta ayaa sheegay in kaalmaada ay Hormuud Salaam Foundation siisay agoonta ay ka caawin doonto af-furka iyo farxadda ciidda, taas oo uu sheegay in ay yihiin arrimaha ugu muhiimsan ee ay hadda ka welwelsan yihiin qoysaska haysta carruurta agoonta ah oo ay yartahay cid caawisa.

Nuuro Cali Yare oo dhankeeda ka socotay xarun lagu haayo agoon iyo dad danyar ayaa bogaadisay garab istaaga iyo caawinta dadka aan waxba heysan ay hormuud Salaam Foundation siisay.

Tan iyo markii ay bilatay bisha Ramadaan hay’adda Hormuud Foundation ayaa wadday mashaariic lagu gargaarayo dadka kaalmada u baahan, agoomaha, maxaabiista, dadka dhimirka la’ iyo haweenka danta yar.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi