Waxa ay tiri

Monday April 03, 2023 - 10:41:47
0 Comments
2543
Xafiiska Wararka
Qormadani waa hinqaasta: Ali Abdi Ali Hoshow.
Email: alihoshow@gmail.com 

Waxa ay tiri :

- Da'da 20 sano-jirka ayaan galay, muddo sanad ah ayaa ka soo wareegatay markii aan ku waayay, waxa aan guddoomay shahaadadayda heerka koowaad ee Jaamacadda, inkasta oo marar badan la igu yeeshay dhowr maaddo oo aan ku dhacay oo dib ka guday markii aan galay imtixaan ku noqosho ah. Dhammaan dadku way i dhiirrigeliyeen, wayna ii hambalyeeyeen, marka laga reebo adiga oo aad i dhinac joogin !

Hadda, waxa aan jirsaday da'da 25, muddo lix sano ah ayaa ka soo wareegatay markii aan muuqaaga iyo maqalkaaga waayay, xiriirkeenii uu gaabis galay, waxa aan dhammeeyay waxbarashada, shaqana waan helay, waxa aan gurigayga ka dhex samaystay maktabad ii gaar ah, dadka oo idil way i ammaanaan, waxa ayna iigu yeeraan dhakhtaraddii naxariista badnayd, marka laga reebo adiga oo aanad i soo booqan !

Waxa aan jirsaday da'da 28 , muddo sagaal sano ah ayaa ka soo wareegatay markii aan xiriirka isla fahmi waynay, waxaa reerkayga iga soo doontay wiil dhalinyaro ah oo araggiisu indhaha u roonyahay, qalbiguna ku qabowsado, sida ay iigu warantay hooyadey, markii aan eegayna waan ku indho-sarcaaday, waxa aan wejigiisa ka dhex arkayay muuqaaga, jaceyl daranna wuu ii qabay, waxa aan guri ka kiraysannay meel u dhow xaafaddeena, dadka oo idil way yimaadeen xafladdii guri-galkayga, marka laga reebo adiga !

Waxa aan jirsaday da'da 30, muddo 11 sano ah ayaa ka soo wareegatay markii aan isku-maandhaafnay xiriirkeenii jacayl, waxa aan dhalay gabadh aan u bixiyay magaca "Udgoon" sida aan hore ugu heshiinnay, adiga ayay aad kuugu egtahay, waxa ay leedahay dhaban-god sidaada oo kale ah, balse ma tihid aabaheed !

Waxa aan jirsaday da'da 40, canugaygii labaad wuu koray, waxa aan u bixiyay "Aamin" oo ah magaca lagugu naaneesayay ee aan kuugu yeeri jiray "Amiinow".

Waxa aan jirsaday da'da 60, muddo 41 sano ah ayaa ka soo wareegatay xiriirkeenii guul-daraystay , gabadhayda way guursatay, wiilkayguna wuxuu go'aansaday inuu la aqal-galo gabadh uu aad u jecelyahay oo uu dhalay ninka xarqaanka ku leh xaafaddii aad deganayd.

Maalmo kadib, markii aan doonashada gacalisada wiilkayga guda-galnay, waxaa rumoobay riyadeenii ahayd inaan dib u kulmayno, qalbiyadeenuna si kale isku weydaaran doonaan, gabadhaaduna ay noqotay aroosadda wiilkayga aan jeclahay

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi