Hey'adda Hormuud Salaam Foundation oo deeq lacag ah gaarsiisay xarunta Maamo Ugaaso

Sunday April 02, 2023 - 13:22:07
0 Comments
279
Xafiiska Wararka
Muqdisho (so.diplomat.so) - Hormuud Salaam Foundation ayaa deeq lacageed waxa ay gaarsiisay xarunta Maama Ugaaso oo lagu xanaaneeyo Caruur dib-jir ahaa oo laga soo kala aruuriyay waddooyinka Caasimadda Muqdisho.


Deeqdaan oo isugu jirta lacag iyo timir ayaa hay’adu ugu tala gashay in wax loogu qabto baahiyaha ka jira xarunta oo lagu daryeelo caruurta danyarta ah oo ku taala magaalada Muqdisho.


Guddoomiye Ku xigeenka hay’ada Hormuud Salaam Foundation, Raaxo Xuseen Xirsi, oo ka hadashay munaasabada deeqda lacagta , ayaa sheegtay in lacagtan loogu talagalay in wax looga qabto xarunta maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.



Siraad Maxamed Nuur (Maamo Ugaaso) oo xanaanaysa caruurtan ayaa kaga mahad-celisay Hey’adda Hormuud Salaam Foundation deeqda lacageed oo ay soo gaarsiisay, iyadoo tilmaamtay inay tahay hey’adda kaliya ee soo xasuusata danta tabaalaysan marka la gaaro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Caruurta lagu haayo xaruntani oo hadda barta Qur’aanka ayaa uga mahad-celiyay Hormuud Salaam Foundation booqashada iyo taageerada.



Hormuud Salaam Foundation waxaa maalmihii la soo dhaafay ay ka wadeen gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, gargaar isugu jira raashiin iyo lacag, waxaana ka faa’iideystay kumanaan qof oo danyar ah.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi