Muqdisho (so.diplomat.so) - Hay'adda Hormuud Salaam Foundation ayaa gaarsiisay deeq lacageed iyo timir haweenka danta yar iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba oo ka kala socday 17-ka degmo iyo seddexda deegaan ee gobolka banaadir, taasoo qeyb ka ah barnaamijka Af-furinta ee Hormuud Salaam Foundation.
Ugu horrayn waxaa Munaasabadda qeybinta deeqdan ka hadlay Maxamuud Dheere oo ah Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir, kaasi oo Hay’adda HSF uga mahad-celiyay deeqdan.
Guddoomiye ku xigeenka Hormuud Salaam Foundation, Raaxo Xuseen Xirsi, ayaa sheegtay in deeqdan hay'adda Hormuud Salaam Foundation ay ugu talo-gashay in ay ku af-furaan haweenka danta yar ee aan waxba haysanin.
Qaar ka mid ah Guddoomiyayaasha Ururrada haweenka degmooyinka oo ka hadlay munaasanadda ayaa dhankooda u mahad-celiyay Hormuud Salaam Foundation.
Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, Jawaahir Baarqab, ayaa sheegtay in Hormuud Salaam Foundation ay mar waliba garab taagantahay dadka danta yar.
Dadkii ka faa'ideystay deeqdan ayaa u mahad-celiyay Hay'adda HSF, iyaga oo tilmaamay in ay ku soo aaday xiLligii ay u baahnaayeen.
Hay'adda Samafal ee Hormuud Salaam Foundation ayaa bil kaata oo Ramadaan waxa ay qabataa Barnaamij ay ku afurrinayso dadka danta yar, kuwa dhimirka la’ iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba.
Faallo ka bixi