Muqdisho (so.diplomat.so) - Masaajidka Cali Jimcaale oo ku yaalla jay-caddaha ku dhow gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle ee degmada Waaberi ee Caasimadda Muqdisho ayaa maanta marti-geliyay tartanka Quraanka Kariimka oo loo qabtay ardayda wax ku barata deeqda waxbarasho ee HSF, qeybahooda kala duwan.
Munaasabaddaa waxaa maalgelisey Hayadda Samafal ee Hormuud Salaam Foundation, waxaana gacan ka siiyey qabsoomideeda Xarunta Xifdinta Quraanka ee Cali Jimcaale.

Ardayda tartamaysay waxa ay u kala tartamayeen seddex qeybood oo kala ah, 30ka jus, 20ka iyo 10ka Jus ee Quraanka Kariimka
Guddoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, Abdullahi Nur Osman, oo furay Munaasabadda ayaa sheegey in banaamijkaan tartanka xfidinta Quraanka ay qaban doonaan sanad kasta bisha Ramadaan, isagoo ardeyda kula dardaarmay inay Quraanka bartaan, kuna dhaqmaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay doonayaan in ardayda wax ku barata deeqda waxbarsho ee Hormuud Salaam Foundation ay noqdaan dad wanaagsan oo ka qeybqaata wanaajinta dalkeena Soomaaliya .

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay Sheekh Abdiraxiin Yuusuf oo ah maamulaha Xarunta Xifdinta Quraanka ee Cali Jimcaale, waxaana uu ku dheeraadey muhiimadda aay u leedahay xifdinta quraanka qofka bani,aadanka, waxuuna ardeyda ku dhiirrigeliyey inay Quraanka si fiican u xafidaan, ugu toosnaadaan.
Guddoomiye ku xigeenka Hormuud Salaam Foundation oo munaasabadda ka hadlay ayaa ku ammaanay ardada ku tartamayay Quraanka Kariimka, isagoo ku booriyay dhalinyarada kale inay ku dadaalaan barashada iyo xifdinta Qur’aanka.

Gabagabadii ayaa waxaa goobta lagu guddoonsiiyey lacago kala duwan ardaydii gashay kaalimaha 1aad, 2aad iyo 3aad , sidoo kalana la abaalmariyay dhammaan tartamayaashii ka qeybqaatay tartanka Quraanka Kariimka, iyadoo ay xusid mudantahay Cabdulahi Maxamed Nuur oo ah ardayga kaalinta koowaad galay tartanka uu ahaa arday qaba baahiyaha gaarka ah oo araga la’.
Faallo ka bixi