Muqdisho (so.diplomat.so) - Hormuud Salaam Foundation ayaa maanta deeq isugu jirta lacag iyo timir waxa ay gaarsiisay illaa laba boqol oo haween oo ka mid ah dadka danyarta ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho.
Raaxo Xusen Xirsi oo ah Ku xigeen Guddoonka Hormuud Salaam Foundation ayaa ka hadashay goobta haweenkaasi loogu guddoonsiiyay deeqda lacagta iyo weliba timirta, waxayna sheegtay in deeqdan ay ugu talagaleen in haweenka danyarta ay kaalmo u noqoto inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.
Guddoomiye ku xigeenka Ururka Haweenka, Warsan Xasan Xagar, oo halkaasi ka hadashay ayaa Hormuud Salaam Foundation ku ammaantay mid mar walba u taagan caawinta haweenta danta yarta ee aan waxba haysan.
Hormuud Salaam Foundation ayaa dardargelinaysa caawinta dadka danta yar iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba, iyadoo hay’addu marka la gaaro bisha barakeysan ee Ramadaan ay fuliso mashaariicda noocan oo kala ah, waana xilli ay hay’addu waddo barmaamij kaasi ku lamaanan oo dadka danyarta ahi lagu af-fursiiyo.
Faallo ka bixi