Hormuud Salaam Foundation oo maanta deeq raashiin ah gaarsiisay Isbitaalka Laansareeti ee Muqdisho

Wednesday March 29, 2023 - 13:23:00
0 Comments
1308
Xafiiska Wararka
Muqdisho (so.diplomat.so) - Isbitaalkan ayaa waxaa lagu daryeelaa dadka dhimirka la' , waxaana hay'adda samafal ee Hormuud salaam foundation oo dardargelinaysa mashruuca taakulaynta iyo afurinta dadka masaakiinta ah ay isbitaalkaasi gaarsiisay raashiin isugu jira bur, bariis, sonkor, saliid iyo timir.
Guddoomiye Kuxiggeenka Hormuud Salaam Foundation, Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi oo ugu horrayn ka hadlay munaasabadda wareejinta deeqda ayaa sheegay in deeqdan ay qayb ka tahay wax u qabashada dadka danta yar iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba ee HSF ay fulineyso bishan barakeysan ee Ramadaan.

Ku simaha Agaasinka guud ee Isbitaalka Laansareeti, Dr Yuusuf Cabdi Samoow ayaa kaga mahadceliyay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation gargaarka ay soo gaarsiisay isbitaalka, isagoo sheegay inaysan ehayn markii ugu horeysay ee mar walba oo la gaaro bisha Ramadan ay il gaar ah ku fiiriso dadka kuwooda ugu nugul.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi