Muqdisho (so.diplomat.so) - Hormuud Salaam Foundation, ayaa maanta gargaar isugu jira, Timir, Dharka Ciidda iyo Geel, guddoonsiisay Xabsiga dhexe ee Muqdisho ka dib munaasabad lagu qabtay gudaha xabsiga.
Guddoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, Abdullahi Nur Osman, oo guddoonsiiyey deeqdaan ayaa sheegey in deeqdaan ay ugu talo-galeen, maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe, si ay ugu kaalmaystaan bisha barakeeysan ee Ramadaan, wuxuuna Allah uga baryey inuu u barakeeyo.

Guddoomiyaha ayaa sidoo sheegey in baahiyaha kale oo ka jira xabsiga dhexe, sida Biyaha iyo dad u xiran lacago yar oo loo heysto ay ka qaban doonaan wixii
suuragal ah.

Taliyaha Xabsiga, Sareeye Guuto Daahir Abdulle Raage, oo isna goobta ka hadlay ayaa u mahadceliyey Hormuud Salaam Foundation, taageerada ay mar walbaa la garab taagan tahay Xabsiga dhexe ee Xamar iyo Maxaabiista ku jirtaba, waxaana uu sheegey in raashinkaan iyo dharkaan ay gaarsiin doonaan maxabiista ku xiran xabsiga.
Dhanka kale taliyaha ayaa sheegey in xabsiga dhexe uu ka hallaabay ceelkii biyaha macaanaa iyo tubooyinkii keenayey, haatanna ay ka jirto biyo la’aan, taasoo keeni karta khatar kale oo ah in shuban ka dilaaco, maadaama biyaha macaan hallaabeen, waxaana uu ka codsaday Hey’ada Hormuud Salaam Foundation inay arintaasi gacan ka geysato oo ah sidii biyo macaan loogu heli lahaa Maxaabiista.

Taliyaha xabsiga ayaa intaasi ku daray in ay jiraan maxaabiis ku jira xabsiga oo uu u dhammaaday muddadii ay xirnaayeen oo u xiran lacago yar oo loo heysto, wuxuuna codsaday in dadkaa laga bixiyo lacagahaas yar si ay xoriyadoodi u helaan.

Ku simaha Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Abdikariin Ali Afrax, oo gunaanadkii ka hadlay ayaa aad ugu mahadceliyey Hormuud Salaam Foundation taageeradooda joogtada ah, wuxuuna Allah uga baryey inuu xoolahooda u barakeeyo, Taliyah ayaa isagana xoojiyey codsiga taliyaha xabsiga oo ah in laga caawiyo ceelka biyaha iyo sidii loo hagaajin lahaa .
Faallo ka bixi