Mashruuca Ramadaanka ee Hormuud Salaam Foundation oo maanta laga daah-furay magaalada muqdisho

Wednesday March 29, 2023 - 12:47:19
0 Comments
537
Xafiiska Wararka
Muqdisho (so.diplomat.so) - Waxaa maanta lagu daah furay Magaalada Muqdisho, Mashruuca Af-furinta ee Bisha Ramdaanka 2023 ee ay Hormuud Salaam Foundation ku caawiso sanad kasta qeybaha nugul ee bulshadeena.
Barjaamijkaan ayaa maanta lagu daah-furey Xarunta Dhimirka ee Dr Xabeeb ee Degmada Dharkeynleey ee magaalada Muqdisho, iyadoo Hormuud Salaam Foundation ay gaarsiisey xarunta raashin 50 Loor oo Bariis ah, 50 Loor oo Bur ah, 50 Loor oo Sokor ah, 50 Katroon oo Timir ah iyo 30 jirgaan oo Saliid ah , taasoo aay ugu talogashay in dadka ku jiraa xaruntaas la siiyo.



Guddoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, Abdullahi Nur Osman, oo meesha ka hadlay, ayaa ugu baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed, Dowlada iyo Ganacsatada ineey soo booqdaan Xarunta dadka dhimirka ka xauunsan ee Dr Xabeeb si ay xaalada ka jirtaa u arkaan, xarunta ayaa u baahan caawin ballaaran, sida in dadka xanuunsan ee meesha ku jiraa loogu helo gogol fiican, iyo dhar aay xirtaaan, sidoo kale waxaa loo baahan yahay in qeybaha dhismaha la hagaajiyo.



Maamulaha Xarunta Dr. Cabdiraxmaan Cali Cawaale (Dr. Xabeeb)oo goobta ka hadlay, ayaa uga mahad celiyey Hormuud Salaam Foundation, kaalmada ay mar walbaa la garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed ee ka xanuunsan dhimirka, waxaana uu u ballanqaaday in raashinka loo keenay ay siin doonaan dadkaan loogu talo talagalay.



Dr Xabeeb ayaa sheegey in Xarunta ay hadda  ku jiraan 180 qofood oo isugu jira rag iyo dumar , oo ka kala yimid gobolada kala duwan ee Soomaaliya, iyadoo qaar ka mid ahna ay ka imaadeen dalka dibaddiisa, inta badana dadkaan waxaa xanuunka u geystey maandooriyeyaal ay isticmaaleen. 


Dr Xabeeb ayaa sheegey in ka mid ah dadkaa meesha ku jiraa aan lahaynin ehelkooda oo aay ayaga xanaaneeyaan.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi