Qormadani waa hinqaasta: Ali Abdi Ali Hoshow.
Email: alihoshow@gmail.com
Waxaa jira dad tiro yar oo aan inta badan jeclayn in ay bannaanka uga baxaan aqallada ay ku hoydaan, waxa ay jecelyihiin inay ku negaadaan qolalkooda oo qura, marka ay dibadda uga baxaan hoygooda waxa ay hilow iyo xiiso u qabaan noloshooda gooni-degga ah.
Dadka noocani ah waxa ay leeyihiin hal widaay oo ku sidkan noloshooda oo kaabe u ah ama labo aad ugu dhow, lamana xiriiraan qof kale oo dheeraad ka ah, waxaa lagu yaqaanaa in had iyo jeer teleefoonnadooda gacan-qabadka ugu xirnaado dhawaaqa giriirka ah, waxa ay dhib u arkaan weydiimaha badan, sheekada iyo in la soo dhex-galo.
Kuwani waxa ay barahooda bulshada si gaar ah Facebook ay eegaan si maalinle ah iyaga oo aan qofna kala sheekeysan, waa kuwa xusha rabitaankooda, waxa ay jacelyihiin akhriska kutubta, daalacashada qormooyinka, u damaashaad tegidda xeebaha, jiinka webiga, lama degaanka, dhulka doogga iyo buuralayda.
Waa dad degan, dhoolla-cadayntu u tahay tilmaan, mala'awaalkana ku xeel-dheer, kana fog xummaan iyo dhibaatayn bulsho.
Faallo ka bixi