Dan guud looma adeegsan karo dan gaar ah !

Monday March 13, 2023 - 11:53:27
0 Comments
362
Xafiiska Wararka
Qormadani waa hinqaasta: Ali Abdi Ali Hoshow.
Email: alihoshow@gmail.com 

Dhulalka iyo Hantida Dowladda Dhexe in dib loogu soo celiyo gacanta Dowladda waa tallaabo bogaadin mudan oo laga soo dib dhacay.
Dhulalka la bannaynayo ee kala ah Dhulka Bankiga Dhexe ku leeyahay Xaafadda Buulo Xuubey ee degmada Wadajir iyo Xeradii hore Oodweyne ee degmada Dayniile oo Milatarigu leeyahay waa billow yididiillo leh in dhismayaasha iyo dhulalka dowladda ee sida sharci darada lagu deegaansaday looga saaro dadka, laguna soo celiyo gacanta hey'adaha dowladda si ummadda loogu adeego.

Danta guud ka hormari danta gaarka ah. 

Dhul dowladeed oo ah mid dan guud oo ummaddu wada leedahay uu shakhsi gaar ah kireeyo, ka ganacsado, iibiyo, intaba waa xaaraan, sababtuna waxa ay tahay waa hanti ummadeed oo aad si gaar ah ugu takri fashay oo xisaabtankeedu adagyahay, balse waad ku noolaan kartaa si kumeel gaar ah adiga oo aan is-lahayn-siin.

Dowladda waxaa u furan in dhulkaasi ay ka saarayso dadka sharci darada ku deegaansaday inay u adeegsato wax nacfi u ah Ummadda oo ah in loogu adeego dadka, ama looga dhiso guryo si KMG ah u deganaadaan shaqaalaha rayidka iyo ciidamada qalabka sida oo ah adeegayaasha joogtada ah ee qaranka, halka madaxda iyo wasiirradu ay xil-hayntooda siyaasadeed muddaysantahay oo aan loo baahnayn in lagu deegaameeyo dhulkaasi.

Sidoo kale Dowladda dhexe waxaa uga furan dhammaan dhulalka iyo dhismayaasha Wasaaradaha, Wakaaladaha, Hey'adaha, Machadyada, Jaamacadaha, Warshadaha, Bankiyada, xarumaha ciidanka iyo kuwa la mid ah  ee sida sharci-darada ah lagu deegaameeyay in kiro sanadle ah ay ka qaado guri weliba oo laga dhex dhistay si dakhli dheeraad ah u soo geliyo khasnadda dowladda oo looga maarmo kaalmo dibadeed.

Waxaa muhiim ah in Madaxweynaha Digreeto ku soo saaro in Dowladda dib u ceshanayso dhammaan dhulalkeeda iyo dhismayaasheeda aan sifo sharci ah oo dhammaystirin ku bixin, sida helidda dukuminti hey'ad dowladeed ay uga maarantay dib u adeegsiga dhulkaasi, oggolaanshaha Wasaaradda Howlaha Guud, Talo-bixinta Dowladda Hoose iyo Oggolaanshaha Madaxweynaha ee hab-adeegsiga cusub ee dhulkaasi.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi