Muqdisho (so.diplomat.so) - Waxaa maanta lagu qabtay xarunta Hormuud Salaam Foundation munaasabad Tababr loogu soo xirayey, Dufcadii labaad ee mashruucan shaqo abuurista oo soo dhameytstey tababarka mooto wadista oo socday mudo laba bilood ah.
Hormuud Salaam Foundation, ayaa qorshaheedu yahay ineey shaqo abuur u sameeyso ilaa 1000 (kun dhalinyaro ) ah, kuwaasoo la barayo xirfada mooto wadista. Tababarkaan ayaa waxaa horey u dhameystey Dufcadii Koowaad, kuwaasoo shaqo bilaabay dhawr bilood ka hor, iyadoo Dufcada labaadna aay shaqo galayaan maanta wixii ka bilowda.
Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation Abdullahi Nur Osman oo Goobta ka hadlay ayaa u mahad celiyey, Dugsiga sare Farsamada ee Buruuj, oo tababarka fuliyey, iyo Shirkadda Adeega ee RIKAAB, oo shaqo siin doonta dhalinyaradaan soo dhamesytey Tababark, iyagoo ka shaqeyn doono shaqada Delivery ama u geynta dadka soo dalbada alaabada aay u baahan yihiin.
Gudoomiyaha ayaa kula dardaarmey Dhalinyarada ineey ka faaiidesytaan fursadaan aay heleen. Una gutaan shaqadooda si nadiif ah si aay uga baxaan shaqo la,aanta, una caawiyaan naftooda iyo ehelkooda.
Madaxa Tababarada ee Iskuulka Buruuj, Cali Xasan Dhuroow oo goobta ka hadlay ayaa sheegey in dhalinyarada aay soo dhameysteen tababar socday mudo laba bilood ah, lana soo baray xirfadaha kala ah:
1.Wadista Mootada
2.Cilad bixinta mootada
3.Sharciyada wado marista
4.Isticmaalka GPS
5.La dhaqanka wanaagsan ee macaamiisha
6.Duruus Ismaalmi ah oo ku saabsan dhaqanka wanaagsan.
Sidoo kale Maamulaha shirkada adeega ee RIKAAB, Maxamed Abdullahi Quule oo goobta ka hadlay ayaa balan qaday in dhalinyaradaan aay shaqo bilaabi doonaan wixii ka danbeeya maanta, waxaana uu sheegey ineey u diyaariyeen wax walba oo u fududeeynaya gudashada shaqadooda, ayna siin doonaan dhammaan agabka aay u baahan yihiin.
Maamulaha ayaa u mahd celiyey Hormuud Salaam Foundation oo maalgelisey m,ashruucaan tababarka ee shaqo abuurka , iyo Iskuulka Farsamada ee Buruuj oo fuliyey Tababarka, waxaana uu sheegey in dhalinyaradaan aay ka rajeeynayaan ineey noqdaan kuwo kazoo baxa shaqada aay qaban doonaan , oo ah u adeegida dadka Soomaaliyeed, lagana rajeeynayo ineey dhaqan fiican kula tacaamulaan, dadka aay u adeegi doonaa, ayna aad u taxadaraan badqabka iyaga iyo shacabka.
Faallo ka bixi