Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Yemen

Monday January 02, 2023 - 22:55:03
0 Comments
819
Xafiiska Wararka
Muqdisho (so.diplomat.so) - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa maanta oo Isniin ah ku qaabilay Xafiiskiisa Wasaaradda, Safiirka Jamhuuriyadda Yemen u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Fadal Ali Ahmed Alhanik, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka iyo hore u dhaqaajinta iskaashiga labo geesoodka si ay ku jirto nacfiga labada dad ee walaalaha ah.
Kulanka ayaa intii lagu gudo-jiray looga hadlay dhowr arrin oo la xiriirtay xiriirka, si gaar ah horumarintiisa, kor u qaadistiisa iyo ballaarintiisa iyadoo la eegayo dano wadaagga.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi