Wasiirka Arrimaha Dibadda oo sagootiyay Safiirka Itoobiya ee muddo xileedkiisa shaqo uu ka dhammaaday

Monday January 02, 2023 - 22:46:55
0 Comments
1746
Xafiiska Wararka
Muqdisho (so.diplomat.so) - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa maanta oo Isniin ah ku sagootiyay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Cabdullaahi Xasan, oo ka idlaaday muddo xileedka shaqo ee loo igmaday.
Wasiir Abshir Cumar ayaa uga mahadceliyay Safiirka Itoobiya ee ka dhammaaday xilliga rasmiga ee igmashada danjirannimo kaalintiisa wax ku oolka ah ee uu ka qaatay xoojinta xiriirka labo geesoodka ee u dhexeeya labada dal ee deriska ah ee saaxiibada ah, isagoo u rajeeyay inuu horumar baaxad leh iyo guul joogta ah ka gaaro waajibaadkiisa shaqo ee mustaqbalka.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi