Muqdisho (so.diplomat.so) - Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan saagootin ah kula qaatay maanta Madaxtooyada Qaranka (Villa Somalia) Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya, Mudane Mohamed Ahmed Osman Alhamadi, oo muddo xileedkiisa shaqo ay ka idlaatay.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Mohamed Ahmed Osman, doorka uu ka qaatay xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan gurmadka abaaraha, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo taageerada dowladnimada Soomaaliya.
Dhankiisa, Danjire Mohamed Ahmed Osman Alhamadi oo Madaxweynaha uga mahad celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wadashaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo igmaday.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin dalalka caalamka, gaar ahaan walaalaha Carabta, si danaha dadka Soomaaliyeed loogu gaaro iskaashi iyo wax la qabsiga dalalka kale ee caalamka.
Warbixintan waxaa qoray : Mohamoud Ahmed Yusuf
Faallo ka bixi