Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta ka furmay Magaalada Muqdisho

Thursday October 27, 2022 - 18:52:35
0 Comments
1783
Xafiiska Wararka
Muqdisho (so.diplomat.so) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardargelinaya hirgelinta siyaasadda lagu gaarayo Soomaali heshiis ah, ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta si rasmi ah uga furmay Madaxtooyada dalka.
Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya , Dowlad-Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Benaadir ayaa shirkan diiradda ku saaraya, dardargelinta dagaalka dalka looga xoreynayo Argagixisada, dhammaystirka heshiiska Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed  iyo dib u heshiisiinta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo madaxda ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladaha amni iyo abaaraha ka jira deegaannada dowlad-goboleedyada ayaa adkeeyay muhiimadda in la mideeyo dadaallada dalka lagu xoreynayo iyo gurmadka loo fidinayo shacabka ka soo barakacay abaaraha iyo argagixisada.

Shirkaan waxaa ka qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac,  Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi