Muqdisho (so.diplomat.so) - Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa maanta oo Axad ah ku qaabilay Xafiiskiisa Wasaaradda, Safiirka Dowladda Qatar aanu walaalaha nahay, Eng. Hassan Bin Hamza Asad Mohammed Hashim, oo muddo xileedkiisa danjirannimo ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ka idlaatay.
Safiirka Qatar ayaa intii lagu guda-jiray kulanka sagootintiisa waxa uu muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay muddada uu ka howlgalay Soomaaliya, isaga oo uga mahadceliyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga tallaabo qaadkeeda iskaashiga iyo fududaynta howlaha loo igmaday, waxaana uu u rajeeyay Soomaaliya inay ku naalooto horumar , barwaaqo iyo nabadgelyo, isagoo carabka ku adkeeyay in muddo xileedkiisa uu sii xoogaystay xiriirka labada dal oo gaaray heer waliba.
Dhankiisa, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay dadaalka Danjire Hassan Bin Hamza iyo kaalintiisa wax ku oolka ahayd, isagoo ku tilmaamay xiriirka Soomaaliya iyo Qatar mid soo jireen ah oo taariikhi ah, waxaana uu u rajeeyay Safiirka muddo xileedkiisa shaqo ee Soomaaliya ay ka dhammaatay mustaqbal iftiin badan iyo in guulo uu ka gaaro waajibaadka kale ee loo xilsaaro.
Faallo ka bixi