Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed oo maanta la soo gabagabeeyey

Thursday October 20, 2022 - 18:44:33
0 Comments
1000
Xafiiska Wararka
Muqdisho (so.diplomat.so) - Waxaa maanta la soo gabagabeeyey bandhigga guuleystayaasha Soomaaliyeed oo muddo laba maalmood ah ka socday magaalada muqdisho.


Munaasabadan oo ay qaban-qaabadeeda lahayd shirkada Hormuud Telecom ayaa intii ay socotay waxa ka soo qeybgalay mas'uuliyiin sar sare, oo ka socotay Dowladda Federalka Soomaaliya sida Raiisul wasaare  kuxigeenka Dalka Dr. Saalax Axmed Jaamc, Wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo marti Sharaf ka socotay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada.  


Bashiir Cabdullaahi Sahal oo ah Guddoomiye-ku-xigeenka Shirkadda Hormuud, ahna xubin ka tirsan Golaha Sare ee shirkadda, oo daahfurey bandhigga maalinta labaad ayaa ka sheekeeyey duruufihii adkaa ee uu soo maray isticmaalka adeegga EVC Plus, kaas oo shacabka Soomaaliyeed u fududeeyay noloshooda, wax badanna ka beddelay sida looga dukaameysto Soomaaliya.



Bahda waxbarashada oo bandhiga lagu abaalmariyay kaalintii ay ka soo qaateen horumarka waddanka ayaa dhankooda u mahadsaceliyay Hormuud Telecom oo 20 sano jirsatay.

Dr. Fartuun Shariif, Agaasimaha Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka Banaadir oo ka hadashay bandhigga guuleystayaasha Soomaaliyeed ayaa sheegtay in aysan hadal ku cabiri karin hiillada ay Hormuud siisay bahda caafimaadka, si gaar ahna Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir. 



Guddoomiyaha Shirkada Hormuud Telecom , Axmed Maxamuud Yuusuf, ayaa isla goobta ku balanqaaday in ay shirkadda Hormuud bixineyso muddo hal sano ah shidaalka ku baxa isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir iyo in ay centralize gareyn doonaan oksajiinta isbitaalka.

Wasiiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare, Faarax Sheekh Cabdulqaadir. ayaa sidoo kale ka hadlay bandhigga guuleystayaasha Soomaaliyeed,
Raiisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamc oo hadal ka jeediyey gabagabada bandhigga guuleystayaasha Soomaaliyeed ayaa sheegay in shirkadda Hormuud oo go’aansatay inaysan kaligeed dabaaldagin ee ay abaal mariso dadkii wax usoo qabtay bulshada , waxayna shirkaddu dalka u tahay Hormuud sida aan ugu faaneyno wiilasha Xulka 17 jirada ee dalka guusha u keenay ayaan ugu faaneynaa Shirkadda Hormuud”.
Hay'adda Hormuud Salaam Foundation ayaa $15,000 iyo internet free ah muddo sannad ah ku abaalmarisay ciyaartoyda iyo macalimiinta Qaranka ee guushii taariikhiga ahayd ka soo hoyeen tartanka da’yarta ee Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi