Bandhigga guulaystayaasha Soomaaliyeed ee ay agaasintay Hormuud Telecom oo ka furmay Muqdisho

Thursday October 20, 2022 - 11:56:50
0 Comments
1011
Xafiiska Wararka
Muqdisho (Diplomat.so) - Munaasabad ay si heer sare u soo agaasintay shirkadda Hormuud telecom, looguna magacdaray "Guulaystayaasha Soomaaliyeed" oo ay ka soo qeybgaleen madaxda gobolka banaadir, rugta ganacsiga, maamulka sare ee shirkada Hormuud, culamaa'udiin, ganacsato, haweenka, dhaliyarada iyo dhammaan macaamiisha Shirkada Hormuud Telecom ayaa maanta lagu qabtay hoolka Sahal ee magaalada Muqdisho.


Munaasabadda oo socon doonta muddo laba maalmood ah ayaa waxaa daahfuray Guddoomiyaha shirkadda Hormuud Telecom Axmed Maxmuud Yuusuf,isagoo faah-faahiyay aas'aaskii shirkadda Hormuud iyo shirkadaha ka farcamay ee hoos yimaada. 



Bandhiggan ayaa inta uu socdo waxaa lagu soo bandhigi doonaa dood cilmiyeedyo xiiso badan, khudbado dhaxalgal ah, waxaana goobta ka hadlay bahda waxbarashada, bahda caafimaadka, ganacsatada, aqoonyahano iyo culamaa’udiinka Soomaaliyeed.



Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Maxamuud Cabdikariin Gabeyre oo kahadlay munaasabadda ayaa ku dheeraaday horumaradii ay shirkada Hormuud wadanka gaarsiisay , sidoo kalana sheegay in ay qayb weyn  ka qaadatay dhismaha waddanka.



Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale , oo ka qeyb ahaa martida ayaa shirkada Hormuud Telecom ku amaanay muddadii 20-ka sano ahayd ee ay u soo dhabar adeegtay xaaladihii adkaa ee uu waddanka soo maray.



Sanadkan oo ku beegan 20 sano guurada aas'aaska Shirkadda Hormuud Telecom ayaa shirkaddu waxay xilgaar ah iska saartay in la agaasimo munaasabad lagu bogaadinaayo shakhsiyaadkii iyo hay’adihii u soo dhabar-adeegay, guushana u soo hooyey dalkooda wixii ka danbeeyey burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya.


Bandhigaan ayaa inta uu socdo waxaa lagu soo bandhigi doonaa bandhig carweed  ay ka qeyb-qaadanayaan dhammaan shirkadaha kala duwan ee hoos-yimaada shirkada Hormuud telecom,  iyaga oo soo bandhigi doona adeegyo cusub, sameyn doona qiimo jabin, qaban doonana "Waqti yaa nasiiib" qofkii ka qeybgala uu fursad u heli doono in uu ku guuleysto haddiyado kala duwan oo ay ka mid yihiin  xirmooyin internet iyo waxyaabo  kale oo qaali ah sida moobiladii ugu danbeeyey ee iPhone iyo Samsung.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi