400 arday oo u fariistay imtixaanka Deeqda Waxbarasho ee Hormuud Salaam Foundation

Thursday September 22, 2022 - 20:46:12
0 Comments
1036
Xafiiska Wararka
Muqdisho (so.diplomat.so) - Waxaa maanta loo fadhiistey Imtixaanka Qabuulka ee Deeqda waxbarasho ee Hormuud Salaam Foundation oo ah Deeq waxbarasho Jaamacadeed oo sanadle ah oo loogu tartamo si daahfuran .
Guddoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, Mudane Abdulahi Nuur Cismaan oo ugu horrayn goobta ka hadlay ayaa sheegey in Deeqda Waxbarasho ee Hormuud Salaam Foundation ay sanad kastaa waxbarasho Jaamacadeed siiso 120 arday, iydoo loo galo Imtixaan daahfuran , Isla markaana saxaan aqoonyahano ka madax bannaan Hormuud Salaam Foundation. 

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in Imtixaanka HSF uu yahay Imtixaan loo saxo si waafaqasan nidaamka  Imtixaanada Caalamiga.

Gudoomiyaha  ayaa xusay  in ardeyda maanta u fadhiisatay Imtixaanka ay hore isugu diiwaangeliyeen hab online ah, taasoo aay ka sii horraysay ogeysiis qaatay muddo todobaad ah, isagoo farta ku fiiqay in barnaamijka deeqda waxbarasho ee HSF uu yahay nidaam loogu talogalay in lagu daydo, oo tusaale wanaagsan ah.

Agaasimaha Hay,adda Dhaxalreeb, Prof Abdi Axmed Baafo, oo goobta ka hadlay ayaa aad u ammaanay habka HSF aay usoo gaasintay Imtixaanka deeqdaan waxbarasho, taasoo ah in si furan loogu tartamayo, dadkana loo ogeysiiyey si furan, oo aysan jirin in si gaar ah loola dhuuntay, waxaana uu ugu baaqay dhammaan inta bixiya deeqaha waxbarasho ay ku daydaan HSF oo si daahfuran ugu soo bandhigaan ardayda Soomaaliyeed fursadaha deeqda waxbarasho ee ay maamulaan.

Guddoomiyaha Hormuud Telecom, Mudane Axmed Maxamuud Yuusuf, oo furay Imtixaanka ayaa sheegey inay tahay farxad weyn in maanta loo fadhiisto sanadkii afaraad oo xiriir ah deeqda waxbarasho ee HSF oo aay maalgeliyaan Hormuud Telecom iyo Salaam Somali Bank. 

Guddoomiyaha ayaa sheegey sababta ay waxbarashada u maalgelinayaan ay tahay in la dhiso, lana maalgeliyo hoggaanka mustaqbalka ee dalkaan, fursadna la siiyo ardayda Soomaaliyeed ee aan awoodin inay iska bixiyaan qarashka Jaamacadaha. 




Guddoomiyaha Hormuud Telecom ayaa u mahadceliyey maamulka iyo howlwadeennada HSF shaqadaan fiican oo ay ka qabteen agaasinka Deeqda waxbarashada ee gashay sanadkeedii afaraad, sidoo kale waxaa uu u mahadceliyey maamulka, Shaqaala-weynaha iyo Saamilayda Hormuud Telecom, maadaama ubadka Soomaaliyeed ay maanta ka faa,iidaysanayaan dadaalkii ay soo qabteen, waxaana uu sheegey in Hormuud Telecom ay mar walbaa garab taagan tahay , garabna taagnaan doonto dadka Soomaaliyeed mar kasta iyo marxalad kasta ay sii wadi doonaan taageeridda waxbarashada iyo horumarinta dalka.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi