Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay Amniga iyo Abaaraha

Thursday September 01, 2022 - 20:31:42
0 Comments
990
Xafiiska Wararka
Muqdisho (so.diplomat.so) - Shirkii ugu horreeyay ee toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirrada ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlay xaaladda amniga waddanka, dadaalka gurmadka abaaraha iyo safarradii shaqo ee dhowaan uu galay Ra'iisul Wasaaraha.
Shirka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa waxa uu kaga warramay socdaal uu ku tagay magaalada Tunis ee dalka Tunisia, oo isaga  iyo wafdigiisa ay kaga qayb galeen shirkii caalamiga ahaa ee TICAD8, kaasi oo intii uu socday Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnaha wafdiga ay ku soo bandhigeen horumarrada socda iyo arrimaha mudnaanta u leh dowladda ee u baahan kaalmo caalami ah, si guullo looga gaaro, iyadoo kulamo kala duwan la yeesheen madaxdii ka qayb galeysay shirka.

Waxaa sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu ka warramay safarkiisi magaalada Beledweyne oo uu sheegay in ay u doorteen, sidii uu tusaale ugu noqon lahaa gurmadka ay dowladdu billowday.

Dhinaca kale, Wasiirradda Gaashaandhiga iyo Amniga ayaa iyaguna waxa ay xog ka bixiyeen xaaladda ammaanka ee dalka iyo dadaalka ay dowladdu waddo ee lagu doonayo in lagu xorreeyo goobaha ay cadowgu ku dhuumaaleysanayaan, laguna sugo amniga shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, ayaa isna ka warbixiyay xaaladda abaaraha iyo xogtii ugu dambeysay ee gurmadka loo fidinayo dadka ay saameynta ku yeelatay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeeyay wasaaradaha ay khuseeyaan ajandayaashii shirka ee maanta in ay si deg-deg ah wax qabad la taaban karo u gaarsiiyaan shacabka.

Warbixintan waxaa qoray: Osman Buwe Ali

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi