Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo shir-guddoomiyay kulan lagu dejinayay qorshe howleed

Monday August 29, 2022 - 00:40:28
0 Comments
1871
Xafiiska Wararka
Muqdisho (so.diplomat.so) - Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa maanta oo Axad ah shir-guddoomiyay kulan ay ka qeybgaleen agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda oo uu goobjoog ka ahaa Xoghayaha Joogtada Wasaaradda, Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, oo intii lagu guda-jiray lagu soo bandhigay tiirarka siyaasadda, xiriirka dibadda iyo jaaliyadaha , si la mid ah dejinta qorshe howleed cusub oo ay yeelato Wasaaradda oo la jaan-qaadaya (Qorshaha Dan Qaran).
Kulanka ayaa looga dooday tallaabooyinka ay Wasaaraddu u qaadayso dejinta, habaynta iyo fulinta ajandayaashani qaranka inta lagu guda-jiro afarta bilood ee nagu soo fool leh, iyadoo la raacayo jadwal gaar ah iyo istiraatiijiyad lagaga gudbayo dhammaan caqabadaha si kaalin wax ku ool ah loo qaato.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo, lana horumariyo qaab-dhismeedka lagama maarmaanka ah si loo agaasimo, loona hirgeliyo tiirarkani oo yeelanaya qorshe cad oo la isku raacsan yahay si looga miro dhaliyo himilooyinka sare ee qaranka, isagoo sheegay inuu doonayo inuu kor u qaado waxqabadka iyo horumarinta wasaaradda si guul loo gaaro.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi