Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Qatar

Sunday August 21, 2022 - 23:18:54
0 Comments
238
Xafiiska Wararka
Muqdisho (so.diplomat.so) - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa ku qaabilay maanta oo Axad ahayd Caasimadda Muqdisho, Safiirka Dowladda Qatar ee aan walaalaha nahay u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Eng. Hassan Bin Hamza Asad Mohammed Hashim, oo booqasho sharafeed ugu yimid, iyadoo intii lagu guda-jiray kulanka lagaga wadahadlay xiriirka laba geesoodka iyo iskaashi wadaagga.
Billowga kulanka, ayaa Safiirka Qatar ugu hambalyeeyay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya xilka cusub ee loo magacaabay, isagoo u rajeeyay guul waarta oo uu ka gaaro howlaha loo igmaday, xusayna kaalinta dalkiisa ee garab istaagga Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay muhiimadda ay leedahay horu u dhaqaajinta geeddi-socodka iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada waddan ee walaalaha ah iyo fursadaha badan ee lagu ballaarin karo heerarka, korna loogu qaadi karo iskaashiga istiraatijiyadeed ee dhinac weliba leh.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi