Ra'iisul Wasaare Xamse oo la kulmay Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya

Sunday July 17, 2022 - 18:13:46
0 Comments
561
Xafiiska Wararka
Muqdisho (so.diplomat.so) - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta qaabilay Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre oo ay ka wada hadleen xoojin xiriirka iyo wada shaqeynta u dhaxeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo sheegay in xukuumaddiisa cusub ay sii wadi doonto wadashaqeynta, isla markaana ay xoogga saari doonto sugidda amniga dalka.

Danjiraha Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Andre ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada ay dowladdiisu siiso Soomaaliya.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi