Ra'iisul Wasaare Xamse oo la kulmay Agaasimeyaasha Wasaaradaha Dowladda

Wednesday July 13, 2022 - 16:16:48
0 Comments
582
Xafiiska Wararka
Muqdisho (so.diplomat.so) - Ra'iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kulan is xogwareysi ah la yeeshay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo hay'addaha dowladda oo uu faray dardar gelinta shaqada Qaranka.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa dul istaagay sida ay muhiimka ugu yihiin agaasimeyaasha guud ee wasaaraduhu howl fulinta shaqooyinka dowladda, isagoo kula dardaarmay in si siman oo daacad ah ugu adeegaan dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku adkeeyey Agaasimeyaasha Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in shaqooyinka ka socda wasaaradaha aysan hakad galin xiligaan kala guurka ah, si uusan dib u dhac ugu imaan adeegyada wasaaraduhu u hayaan bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in ahmiyad gaar ah ay xukuumaddiisa u leedahay isku soo dhaweynta dadka Soomaaliyeed, si meesha looga saaro wax walba oo keenaya tuhun, siina kala fogaynaya ummadda Soomaaliyeed.

Dhankooda, Agaasimeyaasha ayaa la wadaagay Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre warbixinno ku saabsan howlaha hortabinta u leh Hay'adaha dowladda, iyagoo soo bandhigay sida ay uga go'an tahay dar-dar gelinta howlaha iyo adeegyadda ay dowladdu u hayso shacabka Soomaaliyeed.

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi