Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis taageero gaar ah

Thursday July 07, 2022 - 01:20:39
0 Comments
255
Xafiiska Wararka
Ankara (so.diplomat.so) - Siihayaha Xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa maanta Magaalada Ankara kula saxiixday heshiis taageero deeqo gaar ah Wasiirka Deegaanka, Magaalaynta iyo Isbeddelka Cimilada, Mudane Murat Kurum, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Madaxweynayaasha labada dal ee walaalaha ah, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Mudane Recep Tayyip Erdoğan.
Heshiiska ayaa waxa uu si mug leh u caddaynayaa in laga dhiso Magaalada Ankara ee Caasimadda Turkiga dhismo ballaaran oo qeybo kala duwan leh oo ka tarjumaya baahida Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhaxeeya xiriir taariikhi ah iyo mid istiraatijiyadeed oo sal-adag oo leh heer siyaasadeed, dhaqaale, dhaqan, milatari iyo kuwo kale.

Ahmed Gaashaan, oo ah afhayeenka SSR ayaa bogaadiyay heshiiskan, isagoo ku sheegay inuu yahay mid ka tarjumaya danaha labada dad ee Soomaaliya iyo Turkey. 

Qodobo La xiriira


Faallo ka bixi